TOGDHEER ON LINE


Psend kept free because of these great sponsors.a..

Other Sponsors

electrical connectors, Mangosteen Juice, real estate short sale, Jupiter FL real estate,

Furniture Markdown

Great Deals on furniture - Free Shipping!
Discount Furniture
Daybeds
Metal Beds
Platform Beds
Futons

Y-Net Wireless Internet

Denver area high speed wireless privider.
Colorado High Speed Internet, Wireless Internet Denver, VOIP Denver CO, T1 provider Denver, Denver Wireless ISP , Denver Internet Access,

Dog House Technologies

Doghouse Techonologies is located in Tampa Bay FL and offer professional web design, ecommerce development and custom application design for the internet.
Tampa Bay Web Design, E-Commerce Web Design, Tampa Bay Search Engine Marketing, Tampa Web Hosting, Florida Web Design, Custom Application Development, Search Engine Optimization,

Ciidamo Itoobiyaan ah oo laga cabsi qabo inay weerarro ku soo qaadaan Somaaliya

Posted on: Thursday, January 04, 2001 at 06:47:37 (PST)

Ciidamo Itoobiyaan ah oo laga cabsi qabo inay weerarro ku soo qaadaan goobo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Waxaa jira warar isa soo taraya oo ku saabsan in ciidamo xoojin ah oo ka socda dalka Itoobiya ay ka soo gudbeen xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyagoo damacsan inay weeraraan goobo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Ciidammada Itoobiyaanka ah ayaa la sheegayaa inay la socdaan saraakiil Soomaaliyeed iyo weliba ciidamo ay saraakiishaasi soo ururiyeen, kuwaasoo dhammaantood doonaya in qalalaase cusub ka abuuraan gobollada Gedo, Jubada Hoose iyo gobolka Bay.

Warbixinnada illaa hadda soo if baxay waxay sheegayaan in ciidammadaasi ay doonayaan in marka ugu horreysa ay xoogga saaraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo, waxaana la caddeeyey in ciidammadaas oo isku dhafan uu hoggaaminayo Jen. Moorgan iyadoo maalmihii aan soo dhaafnay saraakiil gobolkaas u dhashay oo Muqdisho ku sugan ay cambaareeyeen falkaa uu Moorgan ku damacsan yahay inuu mar kale dagaal kaga huriyo gobolka Jubada Hoose.

Qaar kale oo ka mid ah ciidammadaas ayaa wararku sheegayaan in loo qoondeeyey inay soo aadaan dhinaca waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo inay carqaladeeyaan garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle.

Sahay aad u ballaaran oo shiidaal iyo rasaas isugu jirta ayaa dowladda Itoobiya soo gaarsiisay goobaha ay iminkaba ka deggan tahay dalka Soomaaliya, iyadoo sahaydaas loogu tala galay weerarrada la qorsheynayo in dhowaantan la qaado.

Walaac isa soo taraya ayaa jira oo ku aaddan dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidammada Itoobiya ee ku wajahan guud ahaan dalka Soomaaliyeed gaar ahaan dowladda ku meel gaarka ah ee dhowaan curatay, warar ku dhow dhow dowladda ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inay dowladda Itoobiya ay xiriir toos ah iyo mid aan toos ahaynba ay la sameeyeen balse dhaqdhaqaaqyada jira ay muujinayaan inaysan tixgelin heshiisyadii ay wada gaareen.

Goobo ka mid ah Waqooyi Galbeed ayaa wararku sheegayaan inay soo fariisteen ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu sheegay inay ilaalinayaan hantida Itoobiya uga soo degaysa dekedda Berbera.

Si kastaba ha ahaatee xaaladahan muuqda ayaa muujinaya inay dowladda Itoobiya aysan marnaba diyaar u ahayn xasilooni ka hirgasha dalka Soomaaliya oo maanta runtii ku taagan xilli ay dib uga soo kabanayaan dhibaatooyinkii tobonka sano horey ay ugu jireen, isla markaana ay baadigoobayaan sidii ay xiriir deris wanaag ah ula sameysan lahaa dowladaha deriska ah, iyadoo dowladda Itoobiya ay dhinaceeda ay waddo in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay ka aruuriyeen qaar ka mid ah gobollada dalka ay tababar milateri ku soo siiyaan dhulkeeda iyagoo ku tala galaya in fadqalalo ay kaga abuuraan gudaha dalka Soomaaliya.

Arrintu waxay maraysaa wixii dhiig lahow kaca, waxayna dowladda Itoobiya ay diiddan tahay inay marnaba hirgalaan nidaamka lagu soo dhudbay dalka Jabuuti, iyadoo doonaysay isuna arkeysay in danaha dadka Soomaaliyeed lagala tashado iyaga, weligeedba Soomaalidu ciddii ku soo gardarroota guul kama qaadin, inkastoo tobonkii sano ee aan soo dhaafnay kala qaybsanaan dhanka Soomaalida ah ay jirtay oo ahayd midda sababtay inay Itoobiya ay xorriyad u hesho in goobo badan oo dalka Itoobiya ay si xor ah waxay doonto uga sameyso.

Fursadda Soomaalidu iminka haysato ee ah helitaanka nidaamkaan cusub ee dowladda ku meel gaarka ah waxaad mooddaa inuu yahay fursad la oran karo waa kama dambays waayo adduunweynuhu wuu ka daalay xal u helidda arrimaha Soomaaliyeed, mar haddii maanta nidaamkaan oo ay dowladda Jabuuti naf iyo maalba u hurtay la soo celiyey waxaa loo baahan yahay fara adayg, ilaalin, naf hurid iyo weliba in laga qayb qaato sidii dardar loo gelin lahaa mira dhalinta nidaamkan cusub ee ummadda u soo hoyday.