TOGDHEER ON LINE


SOMALILAND:

Psend kept free because of these great sponsors.a..

Other Sponsors

electrical connectors, Mangosteen Juice, real estate short sale, Jupiter FL real estate,

Furniture Markdown

Great Deals on furniture - Free Shipping!
Discount Furniture
Daybeds
Metal Beds
Platform Beds
Futons

Y-Net Wireless Internet

Denver area high speed wireless privider.
Colorado High Speed Internet, Wireless Internet Denver, VOIP Denver CO, T1 provider Denver, Denver Wireless ISP , Denver Internet Access,

Dog House Technologies

Doghouse Techonologies is located in Tampa Bay FL and offer professional web design, ecommerce development and custom application design for the internet.
Tampa Bay Web Design, E-Commerce Web Design, Tampa Bay Search Engine Marketing, Tampa Web Hosting, Florida Web Design, Custom Application Development, Search Engine Optimization,

Kooxda Qaasim oo Sheegatay in ay ciidamo ka qoranayso puntland

Posted on: Monday, January 01, 2001 at 23:41:32 (PST)

KOOXDA CABDIQAASIM OO SHEEGATAY IN AY CIIDAMO KA QORANAYSO PUNTLAN.

KOOXDA CABDIQAASIM OO SHEEGATAY IN AY CIIDAMO KA QORANAYSO PUNTLAN.

Boosaaso (Jam) Wasiirka gaashaandhiga ee dawlad-kooxeedka Cabdiqaasim Salaad, oo ah ninka layidhaando Cabdilahi Boqor Muuse (king kong), una dhashay Puntland ayaa sheegay in ay Ciidamo ka qoranaysaan degaamada Puntland. C/lahi Boqor Muuse oo todobaadkii hore, khadka isgaadhsiinta kula soo xidhiidhay wargeysaka “Yool” ee ka soo baxa Boosaaso, ayaa inkasta oo uu sheegay inay ciidamo qoranayaan, hadana ma sheegin tirada ay qoranayaan iyo sida ay u qoranayaan. Waxaase jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya inay dawladda Cabdiqaasim hoos-hoos ciidamo qoris uga wada Puntland.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/laahi Yuusuf, ayaa isna hore ug digay inuu si adag uga hortagyo dhaqdhaqaaq kasta oo lagu waxyeelayno jiritaanka maamul-goboleedka Puntland. C/laahi Boqore Muuse oo la waydiiyeye inuu jiro khilaaf isaga iyo labada janaraar Galaal iyo Jilicow u dhexeeya inuu jiro, ayaa qiray in khilaafkaasi jiro, kaas oo la xidhiidha ciidama qorista.

Sida uu soo sheegay Wariyaha Jamhuuriya C/raxmaan A. Qooba, waxay sheekada ciidan qoristu ku soo beegantay, xili werwer ka qabaan xaalada siyaasadeed ee Puntland, iyada oo uu dhowaan Maxamed C/rashiid Cali Sharmaarke, wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadii Soomaliyeed, ku dhawaaqay inuu ka qayb gelayo tartanka doorashada madaxweynimo ee Puntland. Hase yeeshee ilaa hada maamulka Puntland waxba kama odhan hadalka Ina C/rashiid iyo xataa arimaha doorashada madaxtinimada Puntland ee lagu wado inay dhacdo sannadka cusub 2001.