TOGDHEER ON LINE


SOMALILAND:

Psend kept free because of these great sponsors.a..

Other Sponsors

electrical connectors, Mangosteen Juice, real estate short sale, Jupiter FL real estate,

Furniture Markdown

Great Deals on furniture - Free Shipping!
Discount Furniture
Daybeds
Metal Beds
Platform Beds
Futons

Y-Net Wireless Internet

Denver area high speed wireless privider.
Colorado High Speed Internet, Wireless Internet Denver, VOIP Denver CO, T1 provider Denver, Denver Wireless ISP , Denver Internet Access,

Dog House Technologies

Doghouse Techonologies is located in Tampa Bay FL and offer professional web design, ecommerce development and custom application design for the internet.
Tampa Bay Web Design, E-Commerce Web Design, Tampa Bay Search Engine Marketing, Tampa Web Hosting, Florida Web Design, Custom Application Development, Search Engine Optimization,

GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE SOMALILAND OO DOOD SHARCI KA FURTAY XIL KA QAADISTIISA.

Posted on: Sunday, December 31, 2000 at 11:20:00 (PST)

GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE SOMALILAND OO DOOD SHARCI KA FURTAY XIL KA QAADISTIISA.

Wuxuu diiday inuu xilka ku wareejiyo Cismaan Shunuu --- Gudoomiyaha cusub ee Cigaal Magacaabay.

Hargeysa (Jam) Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Maxamed X. Siciid, oo uu Madaxweyne Cigaal xilka ka qaaday muddo laba toddobaad laga joogo, ayaa diidey inuu xafiiska ku wareejo guddoomiyahay cusub ee lagu beddelay, isaga oo ku tilmaamay inaany nidaamka sharci ee dalka waafaqsanayn habka xilka looga qaaday.

Garyaqaan Maxamed X. Siciid waxa xilka lagaga qaaday dikreeto madaxweyne December 14, 2000 waxaana si ku meel gaadh ah loogu magacaabay guddoomiyaha Maxkamada Sare Cismaan Xuseen Khayre (Shunuu) oo ah la-taliyaha dhinaca sharciga ee Madaxweyne Cigaal. Hase yeeshee, ilaa iyo hadda waxa xafiiska sii haya guddoomiyaha la bedelay oo ku adkaysanaya inuu xafiiska ka tegi doono marka sife sharciga waafaqsan lagaga qaado. Maxamed X. Siciid waxa uu toddobaadkan waraaq qoraal ah oo uu ku faahfaahinayo sifaha xilka qaadista u gudbiyey labada gole ee Baarlamaanka (Wakiilada) iyo Guurtida Somaliland oo waqtigan ku jira fasaxoodii bishii Ramadaan.

Qoraalkaas oo la gaadhsiiyey shirgudoonka labada gole. Waxa la sheegay in Garyaqaan Maxamed X. Siciid ku tilmaamay qaabka xilka qaadistiisa mid aan waafaqsanayn nidaamka sharci ee dastuurka dalku banneeyey. Sida ay Jamhuuriya u sheegeen ilo muhiim ah oo ku dhowdhow guddoonka golayaasha, guddoomiyuhu waxa uu ku caddeeyey qoraalkiisa in uu xilka sii hayn doono oo aanu cidna ku wareejinayn ilaa lagaga qaado sifaha sharciga ah, haddii uu cid ku wareejinayona uu ku wareejinayo kuxigeenkiisa.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare waxa magacaaba, sidoo kalena xilka ka qaadi kara Madaxweynaha. Hase yeeshee, labada goorba (magacaabista iyo xil ka qaadista) waxa uu u bahan yahay ogolaanshaha iyo ansixinta golayaasha wakiilada iyo Guurtida oo fadhi wadjir ah ka yeesha. Garyaqaan Maxamed X. Siciid-na waxa uu ku doodayaa in xil-ka-qaadistiisa la mariyo nidaamkaas dastuurka.

Dikreetada Madaxweynuhu wax tafaasiil ah kama bixin sababta xilka looga qaaday guddoomiyaha Maxkamada Sare, balse waxaa loo aanaynayaa in ay xil-ka-qaadistaasi la xidhiidho is maandhaaf ka dhashay go’aan ay maxkamdda sare ka gaadhey dacwad u dhexaysey shirkada Faransiiska ah ee TOTAL Red Sea iyo saddex nin oo muwaadiniin ah o uga shaqaynayeye dayactirka haamaha kaydka shidaalka Berbera, kaas oo ay maxkamaddu ugu xukuntay Shirkada TOTAL magdhow ka badan $ 500,000 oo dollar inay siiso saddexdaa muwaadin oo ku dacwooyinayey in waxyeelo caafimaad ka soo gaadhay hawshii ay u hayeen TOTAL, kadib markii uu Maxadweyne, isaga oo ku tilmaamay go’aankaas mid “boob ah oo aan sharci ahayn” ilaha qaarkoodna waxay sheegeayaan in guddoomiyuhu uu golayaashu ugu xaqiijiyey qoraalkaas in xil ka qaadistiisu ay ka dhalatay khilaafka isaga iyo Madaxweyna ku dhex maray dacwadda TOTAL, taasna uu ku micneeyey faragelin toos ah iyo meel ka dhac inay ku tahay madaxbananida waaxda garsoorka dalka ee dastuuriga ah. Gudoomiyaha Maxkadamda Sare Garyaqaan Maxamed X. Siciid oo aanu shalay la xidhiidhnay waxa uu ka gaabsaday inuu wax war ah ka bixiyo doodad sharci ee uu ka soo oogey xil-ka qaadistiisa. Waraaqda gudoomiyaha waxa la hor dhigi doonaa golayaasha baarlamaanka marka ay ka soo laabtaan fasaxooda oo ku began Jan 10, 2000.

“Annagu ma kala eegayno, mana kala jeclaysayno ninka gudoomiyaha maxkamada hadda jooga iyo mid iman doona. Laakiin waxaa na khuseeya oo aan eegaynaa sida uu sharciga loo mariyey”, sidaa waxa yidhi mudane ka tirsan golaha wakiilada oo Jamhuuriya ugu warramayey sida uu u arko murankan sharci ee ka dhex aloosam gudoomiyaha maxkamda sare iyo madaxweyne Cigaal.

Jamhuriya


TOGDHEER ON LINE