TOGDHEER ON LINE


SOMALILAND:

Psend kept free because of these great sponsors.a..

Other Sponsors

electrical connectors, Mangosteen Juice, real estate short sale, Jupiter FL real estate,

Furniture Markdown

Great Deals on furniture - Free Shipping!
Discount Furniture
Daybeds
Metal Beds
Platform Beds
Futons

Y-Net Wireless Internet

Denver area high speed wireless privider.
Colorado High Speed Internet, Wireless Internet Denver, VOIP Denver CO, T1 provider Denver, Denver Wireless ISP , Denver Internet Access,

Dog House Technologies

Doghouse Techonologies is located in Tampa Bay FL and offer professional web design, ecommerce development and custom application design for the internet.
Tampa Bay Web Design, E-Commerce Web Design, Tampa Bay Search Engine Marketing, Tampa Web Hosting, Florida Web Design, Custom Application Development, Search Engine Optimization,

BEESHA BARAAWE OO KA HADASHAY DHIBAATOOYINKA IYO XAQDARRADA LAGU HAYO DEGAANKA BARAAWE.

Posted on: Sunday, December 31, 2000 at 21:58:04 (PST)

BEESHA BARAAWE OO KA HADASHAY DHIBAATOOYINKA IYO XAQDARRADA LAGU HAYO DEGAANKA BARAAWE.

29 Dec 2000 (Banaadir.com) - Warar aan ka helney Odayaasha iyo wax garadka ka tirsan beesha baraawe ayaa todobaadkan ku shiray degmada Buur-hakaba, waxay ka hadleen dhibaatooyinka aan joogsiga laheyn oo lagu haayo Baraawe dhibaatooyinkaas oo ay mas'uul ka yihiin shaqsiyaad isku sheegaya iney maamulaan deegaanka Baraawe oo kala ah abdulaahi xallane iyo Siid cali, oo katirsan beesha Habargidir,ceyr, oo iyaga awood ku haytey tan iyo intii ay burburtay dowladii hore ee soomaaliya.

Dhibaatooyinkaas oo ay ka hadleen iyagoo aad uga xun waxa ka mid ah in kabadan 60 doonyood oo ay leeyihiin beesha ceyr ay tan iyo hada ka kaluumeystaan Baraawe, kalluumeysigaas oo uu ka soo galo qarash ama dakhli xoogleh, halka dadka degaanka ee u dhashay Baraawe ay ku nool yihiin nolol aad sabool u ah oo adag, loomana ogola in ay ku yeeshaan wax doon ah waxaa u sii dheer in laga qaado canshuur xad dhaaf ah.

Dhibaatada kale aadka u foosha xun ayaa waxaa ka mid ah in ay xaalufin lagu hayo degaankaas lagana dhoofinaayo Dhuxusha isla Baraawe, aydoo lagu soo daad gureynaayo Baabuurta loo yaqaano Isjiidka ilaa Kontomeeyo Gaari, laguna keydinaayo Xeebta Baraawe, aydoo lala sugaayo Markab, si loogu dhoofiyo wadamada Imaaraadka Carabta, horey ayey Odoyaasha dhowr jeer uga dacwoodeen cid ka hadleysa ma jirto kuwa isku sheegaya iney yihiin Wadaado oo xoog ku heysta Deegaanka Digil/Mirifle, iyo Abdiqaasin oo sheeganaayo Dowlad, iyo kuwa haysta Baraawe, raali ayey isaga yihiin in dadkaas aan xaqooda la siin oo dhibaatada ku jira.

Odeyaasha waxay aduun weynaha ka codsanayaan in si deg deg ah wax loogu qabto sida Dowlada Imaaraatka carabta oo iyadu ku takri fasho dhuxusha laga keeno Baraawe, iyo degaano ka mid ah Soomaaliya oo loogu keeno si sharci daro ah odayasha waxay kaloo ka codsdeen in Hayadaha Dowliga iyo kuwa aan Dowliga ahaynba ay cabaareeyaan Dowladaha sida sharci darada kaga iib sanaya Dhuxusha, kuwa dhiigyi cabka ah oo masaakiinta xaqooda cunaya.